alool
(m.l) (-llo, m.dh)Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh alool ↴
daacuun-calooleed [m.l]
ld daacuun¹. daacuun
daacuuncaloolo [m.l]
ld daacuun¹. daacuun
balool [m.l]
Dhul xaaluf ah oo aad loo degay.
balooley [m.dh]
Jaad ka mid ah ciyaaraha saarka.
baloolley [m.dh]
1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.
boogcalooleed [m.dh] (-dyo, m.dh)
Nabar caloosha ka soo baxa. ld boogcaloolo.
boog-calooleed [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
boogcaloolo [m.dh]
ld boogcalooleed¹.
calool [m.dh] (-lo, m.l)
1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.