ansax
(m.l)

1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. ld ansixid.

ansax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -sixi)

Wax diinta iyo sharciga waafaqsan noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ansax

ansaxin [m.dh]
(qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.

anshax-xumo [m.dh]
1. Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. 2. ld ansax-xumaan.

ansixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax ansax ka dhigid.

ansixid [m.f.dh]
eeg ansax². ld ansax¹ (2).

qansax [m.l]
(qansax, m.dh) Geed quraca la bah ah oo leh qodxo yaryar, mayraxiyo xabag wanaagsan.

qaraabaqansax [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qaraabannimo aan dhaweyn.

saxansaxo [m.dh]
Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg