Aritmatig

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga aritmatig

saafid-tireed | dareerin-aritmatig | susun aritmatig | tirosin aritmatig | xeerka kala-dhigga | xisaabfal asaasiga ah ee aritmatig |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg