balbal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)

Cabsi la gariirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh balbal

saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.

saaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Hilib jiir ah balballaarin.

sabaayad [m.dh] (-do, m.l)
Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.

babbaay [m.l]
Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.

bacaroor [m.dh]
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.

bacayr [m.dh] (-ro, m.l)
Jaad ugaarta ka mid ah sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna nool meelaha biyaha badan; dhusaas.

bagal [m.l]
Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. ld baqal¹ (2), begel.

balambal [m.l]
1. (balambal, m.dh) Geed gaab dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld balaambalid.

balanbalo [m.dh]
ld balbalo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg