balbalo
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Meel dhisan oo kor ka dadan, dhinacyadana ka furan oo wax lagu iibsado. 2. Dhismo yar oo la harsado oo guriga hortiisa lagu dhiso. ld balanbalo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh balbalo ↴
balanbalo [m.dh]
ld balbalo.
balbalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax, balbalo u yeelid.
hadoodil [m.l]
1. Balbalo. 2. Dedidda meel dusha sare laga dedo si har loogu yeelo. 3. ld hadoodilid.
warato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Ganacsato yaryar oo aan dukaamo lahayn oo meel bannaan ama balbalooyinka hoostooda wax ku iibsada.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg