bannee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-neeyay, -naysay)

1. Wax meel sida waddo, irrid iwm ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bannee

bannaanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
ld bannee.

bannayn [m.f.dh]
eeg bannee. ld bannaanayn.

falan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Wax sixran noqosho. 2. Beer wax la falay noqosho. 3. Dhul wax la banneeyey noqosho.

jidhida-dhexe [m.dh]
(bot.) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.

sambanneeye [m.l]
Geed-nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo aan qodax lahayn oo sanboorka iyo cudurro badan lagu daaweeyo.

soodha [m.dh]
(kiim.) Naatriyam Kaarbooneyt (Na2CO3). Budo wiriqlaawe ah oo cad, taas oo kuusanta marka loo banneeyo hawada sababtoo ah waxa ay noqotaa cokane.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg