barki
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barki

waariko [m.dh]
Jaad likaha ka mid ah oo badanaa dundumooyiinka agtooda ka soo fuuro; barkiwaraabe. ld waarig.

barjee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-jeeyay, -jaysay)
1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.

barkadhac [m.l]
Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. ld barkindhac¹.

barkadhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
Barkin si xun ugu seexasho. ld barkindhac².

barkadhicid [m.f.dh]
eeg barkadhac². ld barkindhicid.

barkimo [m.dh]
ld barkin².

barkin [m.l] (-nno, m.dh)
Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. ld barshin.

barkin [m.dh] (-imo, m.dh)
Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iwm laga buuxiyo oo la barkado. ld barkimo.

barkin [m.f.dh]
eeg barki.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg