Beeryaro

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.

Beeryaro

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

(c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u beesad dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga beeryaro


Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg