boosh
(m.l)1. Harag laga bixiyey ari caato ah. 2. Midab aad u cad oo ay yeeshaan timaha, dhogorta iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh boosh ↴
boosh cadde [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Nooc bariiska ka mid ah oo aad u tarma marka la kariyo.
booshool [m.l]
Geri yar oo caano nuug ah.
kabboosho [m.dh]
In yar oo caano, biyo iwm ah oo mar afka lagu qaado.
raboosh [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
R. ah: nafley koritaanka ka xumaaday.
raboosh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-shay, -shtay)
Nafley koritaan ku hagaasid.
rabooshid [m.f.dh]
eeg raboosh².
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg