booti
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Arday hal fasal ama ka badan gudbin. 2. Ka b.: wax wax kale dul marin iyadoo dhankeeda kale lagu ridaayo. ld boodsii.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh booti ↴
bawne [m.l]
Nafley bakaylaha u eg, kase yar, qararka buuraha ku nool oo orod bootimaaleyn ah leh; dabariyaadle.
booddo [m.dh]
1. ld bootin. Si degdeg iyo xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo laba melood laysaga hawakaco. 2. Cayayaan yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda kale dhiigooda ku nool; qandhiso.
boodsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld booti.
boodsiin [m.dh]
ld bootin.
boodsiis [m.l]
ld bootin.
bootimaale [m.l]
Tartan lagu tartamo bootin.
bootimaaleysad [m.l]
ld bootimaaleysasho.
bootimaaleysasho [m.f.dh]
eeg bootimaalayso. ld bootimaaleysad, bootimaaleysi.
bootimaaleysi [m.l]
ld bootimaaleysasho.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg