cayd
(m.l)

Baahi weyn oo wax loo qabo. ld ceed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cayd

yooyootan [m.l]
1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.

alaab caydhiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-bo ..., m.l)
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.

alaab ceyriin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld alaab caydhiin.

baaqe [m.l] (-qayaal, m.l/dh)
1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.

bircayd [m.l]
ld burcayd.

burcayd [m.l]
Jaad ka mid ah libaax badeedka waaweyn. ld bircayd.

buulley [m.dh]
(c.nafl.) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.

cay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay².

caydan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. ld ceedan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg