cutub
(m.l)

ld cuntub.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cutub

raan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.

canab [m.l]
1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab.

feeys [m.l] (-syo, m.dh)
Maro calal ama cutub mayrax ah oo lagu tirtiro weelasha la culo; catir, cidaad.

sanoobir [m.l]
Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.

shoox [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Kalluun yaryar oo cutub-cutub isu raaca.

shucub [m.l] (-bbo, m.dh)
1. Dun, mayrax iwm oo wax lagu qurxiyo. 2. Cutub ubax ama miro ah oo isku meel ka soo baxay, sida miraha canabka. 3. Toorrey daabkeeda inta sare ee maartu ku jirto.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg