daahir
(m.l)1. (dii.) Aan najaso lahayn; nadiif. 2. Sida muuqata ama muqaalka guud.
daahir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)(dii.) Soo ifbixid; soo bixid. Tus. “Nebi Maxamed (s.c.s) wuxuu soo daahiray muddo laga joogo 14 qarni iyo hodhodho”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daahir ↴
daahiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. (dii.) Wax nijaaso ka bi'in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid.
daahirid [m.f.dh]
eeg daahir².
daahirin [m.f.dh]
eeg daahiri.
daahirnimo [m.dh]
(dii.) Daahir ahaansho; nadiifnimo.
daahiro [m.dh]
Nicmo iyo khayr aad u badan.
nijaas [m.dh] (-syo, m.dh)
1. (dii.) ld najaas². 2. Wax aan daahir ahayn. 3. Wax daahirnimada buriya.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg