dareeri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dareeri

dareer [m.l]
Dhaqaaqidda xoolo meel ay tuurnaayeen ka dhaqaaqaan. ld dareerid.

dareerid [m.f.dh]
eeg dareer². ld dareer¹, dureer¹, dureerid.

dareerin [m.f.dh]
eeg dareeri. ld dareeris¹, dureerin.

dareerin [m.dh] (xis.)
Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).

dareerin-aritmatig [m.dh] (xis.)
D. tibxaheedu ay sammeeyaan susun aritmatig.

dareerin-aroorta [m.dh] (xis.)
D. tirada tibxaha ay yihiin makoobane.

dareerin-joometeri [m.dh] (xis.)
D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.

dareerin-kalahaad [m.dh] (xis.)
D. oo wadarta dhammaan tibxaha ka dambeeya tibixda n-aad aan dhinmin marka ay n-korodho.

dareerin-koobane [m.dh] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg