dhambal
(m.l)

1. Dh. ah: galley hal mar makiinad lagu burburiyey. 2. ld dhambalid.

dhambal
(m.dh) (-lo, m.l)

1. Raro. 2. Nooc aleesha ka mid ah oo inta la taxo dhiilasha iwm lagu qurxiyo. ld dhombol.

dhambal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)

1. Wax si dherer ah u kala dillaacin. 2. Galley shiidid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhambal

barraaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Kala b.: wax laba qeybood oo isla'eg u kala dhambalmid.

dhambalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
Wax la dhambalay noqosho.

dhambalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la dhambalay ahaansho.

dhambalasho [m.f.dh]
eeg dhambalo.

dhambalid [m.f.dh]
eeg dhambal³. ld dhambal¹ (2).

dhambalmid [m.f.dh]
eeg dhambalan¹.

dhambalnaan [m.f.dh]
eeg dhambalan². ld dhambalnaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg