dharas
(m.l)

1. Diiddada hali diiddo in la maalo ama ilmaheedi nuugaan. 2. Hilib aad caato u ah; bantar. 3. Qof aad u karti yar. 4. Caro. 5. Dh. ah: nafley buuran laakiin jirkeeda dhad ku jiro (ido).

dharas
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rsay, -rastay; -rsi)

1. Hal in la maalo ama ilmaheedi nuugaan diidid. 2. Qof xanaaqid. 3. Wax la gansaday wax ku diidid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dharas

dharasoobid [m.f.dh]
eeg dharasow². ld dharasow¹.

dharasow [m.l]
Jilcidda qof jirkiisu jilco da'awgeed. ld dharasoobid.

dharasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof da'awgeed, wax jirkiisu jilcay noqosho.

dharsid [m.f.dh]
eeg dharas².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg