dhasheeg
(m.l) (-gyo, m.dh)Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg
(m.l) (-gyo, m.dh)(juqr.) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhasheeg ↴
tayga [m.dh]
(juqr.) Dhulka kaymaha caleen irbadleyda Siberiya, xadka waqooyiga tunduraha aad u qabow ee aan dhirta lahayn, koonfurtana istebiska. Noocyada dhirta ee ugu muhiimsanina waa “pine, fir, spruce iyo larch”. Waxay ka koobantahay meelo badan oo dhasheeg ah, waqtiga gu'gana dhulka intiisa badan waxa fatihiya biyo ka yimaadda wabiyada oogada sare ee woqooyi xiga kuwaas oo dacalladdooda hoose weli sarafyihiin.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg