dheeree
(Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive)

2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Wax dhererkiisa kordhin. 2. (f.g) Wax meel ka fogeyn. 3. (f.mg) Orod ama socod kordin. 4. U dh.: cid waxay qeyb u heshay in ugu darid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheeree

saangan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax sixir ka dheereeya meeshii uu joogay lagu sameeyey ahaansho.

taallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

uurkubaalle [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.

biin [m.l] (-nan, m.l)
1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya..

burshintuur [m.l]
1. Xarig yar oo lagu dhuujiyo faruurta kore ee geela si uu socodka u dheereeyo. 2. ld burshintuurid.

burshintuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. ld bushintuur².

cirbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Faras, rakuub iwm si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho.

codbaahiye [m.l]
Qalab elegtaroonig ah oo codka dheereeya.

dheerayn [m.f.dh]
eeg dheeree. ld dheerays.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg