dhegdheg
(m.l)1. Qoyaan layiig ah oo wuxuu taabto qabsada sida xabagta iyo caanaha cinjirka iwm. 2. Baqbaqqa indhaha ama wasakh kale.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhegdheg ↴
baqbaq [m.l]
1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif, duux iwm ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga indhaha buka ama aan nadiifka ahayn yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku yaal albaab, dariishad iwm.
daamir [m.l]
Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. ld daammur.
dhegdhegto [m.dh]
Geed yar oo leh sabuul qodxo leh oo ku dhega wixii taabta.
fitilig [m.dh]
1. (-go, m.l) Xarig yar, guntin leh oo ka laallaada dabinka oo inta godka la geliyo garangarta iyo dhidibku isuhayaan. 2. (sh.r) F. dheh: si dhegdheg ah u dhaqaaqidda ama isu rogidda.
qasaanqas [m.dh]
(c.nafl.) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.
seexaari [m.dh]
Noocyada timirta jaad ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn oo isku dhegdhegta.