dheregsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Wax dhergey ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheregsan ↴
alkayn [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
alkiin [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.
ammooniya [m.dh] (-mo, m.dh)
(kiim.) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira, 36.9% oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milan-biyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.
cadaadis-uumi [m.l]
(fiis.) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
dheregsanaan [m.dh]
eeg dheregsan. ld dheregsanaansho.
dheregsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dheregsanaan.
hirqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof ama wax dheregsan ahaansho.
kellijuluqle [m.l]
Neef xoolo ah oo soo xerooday isaga oon dheregsanayn.