dhigmo
(m.dh)

Qoraalka farta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhigmo

kaaftoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.

bawlad [m.dh] (-do, m.l)
Lacag sarrif ah oo waa hore la isticmaali jiray oo qiimaheedu u dhigmo rubbiyad afar meel loo dhigay meesheed. ld bawlo.

caanteyn [m.l]
Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.

dabar-lammaan [m.l] (-rro ..., m.dh)
(kiim.) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena samaynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay, ).

faraasilad [m.dh] (-do, m.l)
Shay wax lagu miisaamo oo culayskiisu u dhigmo 16 kiilo ama 28 rodol. ld faraasilo.

shilin [m.l] (-mmo/-maad, m.l/dh)
Lacag sarrif ah oo ka samaysan bir qiimaheeduna u dhigmo 100 senti.

siisto [m.dh] (-ooyin, ml.)
Erey macnahiisu walaal u dhigmo oo loo yiqiin haweenkii xisbiga leegada xubinta ka ahaa.

xeerka kala-dhigga [m.l]
(xis.) Xiriir gaar ahaaneed ee ka dhexeeya laba xisaabfal. Tusaale ahaan, kutirsaneyaasha ururka {a, b, c, d, ...}. Waxa jiri kara laba xisaabfal sida * iyo 0 oo xisaabfalka * uu ku kala dhigmo 0, marka a * (b o c) = (a * B) o (a * c). b) 2 X (3+6)= (2x3) + (2x6) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee aritmatiga (ama aljebra). t) A (B U C) = (A B) U (A C) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee ururrada.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg