doorsan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)Wax siduu ahaa si ka duwan noqosho. ld doorsoon² (2).
doorsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)1. Wax siduu ahaa si ka duwan laga dhigay ahaansho. 2. Qof maankiisu beddelen yahay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doorsan ↴
maandoorsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax miyirkii ka lumay ahaansho (qof).
maandoorsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maandoorsan. ld maandoorsanaansho.
maandoorsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld maandoorsanaan.
dhalandoorsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la dhalandooriyay ahaansho.
dhalandoorsanaan [m.f.dh]
eeg dhalandoorsan. ld dhalandoorsanaansho.
dhalandoorsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhalandoorsanaan.
diqaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo).
doorsamid [m.f.dh]
eeg doorsan¹. ld door- soomid, doorsoon¹.