farammar
(m.l)1. Wax gacanta la geliyo ama lagu duubo marka hawl adag la qabanayo. 2. ld faraggal.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farammar ↴
faraggal [m.l]
1. (daaw.) Cudur faraha gala oo u yeela dhaawacyo aad u xanuun badan. 2. ld farammar. ld fargal (2).
farammaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Qof aan hanti lahayn ahaansho. 2. Wax farammar leh ahaansho (qof). 3. Qof aan gacanta wax ugu jirin ahaansho (hub, lacag iwm).
farammarnaan [m.f.dh]
eeg farammaran. ld farammarnaansho.
farammarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld farammarnaan.
farammarooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka f.: qof wax gacanta ugu jirey xoog uga qaadid. ld farammaroori.
farammaroojin [m.f.dh]
eeg farammarooji. ld farammaroorin.
farammarooqsad [m.l]
ld farammarooqsasho.
farammarooqsasho [m.f.dh]
eeg farammarooqso. ld farammarooqsad, farammarooqsi, faraammaroorsad.
farammarooqsi [m.l]
ld farammarooqsasho.