fay
(m.l) (-yo, m.dh)1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees.
fay
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aaday, -ayday)Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fay ↴
aafayn [m.dh]
eeg aafee. ld aafeyn. aafeyn
naafayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naafee. ld naafid. naafid, naafee
caafiyad [m.dh]
Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. ld caafiyo. caafiyo
oodafayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodafee.
oofayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oofee.
oofaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Qof oofi hayso ahaansho.
oofaysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oofaysan. ld
oofaysnaansho oofaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld oofaysnaan.
xagaafayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xagaafee.
adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.