garaad
(m.l)Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhu.
garaad
(m.l) (-dyo, m.dh)Nin qolo madax u ah; ugaas; waba.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garaad ↴
haaco [m.l]
Qof aad u garaad yar; qof macangag
ah.
maangaab [m.l]
Qof caqli iyo garaad yar.
maangaabi [m.dh]
Caqli iyo garaad yaraan; maangaab ahaansho. ld maangaabnimo.
asiidha yuurig [m.dh]
(baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
barbaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Barbaar ka dhigid. 2. Jir, garaad, anshax iwm ee ubad, dhisid; korin; tababbarid.
beeldaaje [m.l] (-jayaal, m.l/dh)
Nin beel madax u ah; ugaas; garaad; malaaq.
buxuur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya..
caalle [m.l] (-layaal, m.dh)
Qof aad u garaad yar; segeger.
caaq [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-qyo, m.dh)
C. ah qof aad u garaad yar.
calaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof garaadkiisu aad u yaryahay. 2. Cilin.