Haan

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-nan, m.l)

1. Galowda, rubadda. 2. Weel yar, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto.

Haan

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-aamo, m.l)

1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga haan

aabbur | aabburan | aabburan | gaadaar | haandawaco | haandhurwaa | haaneed | haaneed |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg