indhasarcaad
(m.l)1. Muujin wax sidii ay ahaayeen si ka beddelan loo muujiyo. 2. Si buunbuunsan oo wax quruxdooda loo muujiyo.
indhasarcaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)1. Wax siday ahaayeen si aan ahayn cid ugu muuqasho. 2. Wax quruxdooda si buubuunsan u muuqasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh indhasarcaad ↴
indhasarcaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid indhasarcaad ku samayn.
indhasarcaadid [m.f.dh]
eeg indhasarcaad².
indhasarcaadin [m.f.dh]
eeg indhasarcaadi. ld indhasarcaadis.
indhasarcaadis [m.l]
ld indhasarcaadin.
indhasarcaadsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Cid indhasarcaad ku dhacay ahaansho.
indhasarcaadsanaan [m.f.dh]
eeg indhasar-caadsan. ld indhasarcaadsanaansho.
indhasarcaadsanaansho [m.l]
ld indhasar-caadsanaan.
qalinshubato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad sixirka yaqaan oo intay dadka indhasarcaadiyaan wax ka qaata.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg