jare
(m.l)

1. (-rayaal, m.l./dh) Xarig fardaha, lo'da iwm lagu qabto. 2. Shaxda marka hab dheelkeedu saddex isugu dhacdo. 3. ld jar 2. Hab fadhi ciyaareedka ka mid ah oo loo dheelo; daamad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jare

dabuuq [m.l]
D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.

dharrooc [m.l]
Baqdin weyn oo qofku la jareeyo.

dharrooc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Baqdin weyn darteed la jareyn.

gef [m.l] (-faf/-fef, m.l)
1. (fiis.) Cabbiraadda ama qiyaasta aan la hubin ee xaddi. Tusaale ahaan, kulbeeg meerkari ah badanaaba waxa suurtaggal ah in heerkulka laga akhriyo darajada ugu dhow.. (xis.) Marka laga hadlayo saafid tireed gefafku waa laba nooc: a) g. duubid: jawab tireed aan sugnayn ee ku soo baxda xisaabinta; b) Gefaf la jare ah: waxa ay la xiriiraan xadad lagama maarmaan ah ee ku jira sugnida see.

jar [m.dh]
Ciyaar fadhiga lagu dheelo sida shaxda iwm. ld jare (3).

jarayn [m.f.dh]
eeg jaree.

jarayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Faras ama rati jare gelin. 2. (f.mg) Jar cayaarid.

jaree [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.

jareer [m.l]
1. Qof timo adag 2. Geed-gaab aan qodax lahayn oo qoryihiisu dhaqso u qoyin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg