jilci
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax jileec ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jilci ↴
balqan-keene [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.
budli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax aad u jilcin ama budul ka dhigid.
budul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Meel xoolaha marintoodu ay jilcisay oo habaas ka dhigtay. 2. Dariiq la maro, daw, tub, dhabbe. 3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.
bukabbukee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. ld bukee. Wax garaacid si lagu jilciyo. 2. ld buhabbuhee.
caanyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-eeyay, -eysay)
1. Harag caano ku jilcin. 2. Ma daroorsha ka dhigid, agloolid. 3. Waxyaabo aan islahayn isku qasid (arrin). 4. Qof si xun ula dhaqasho.
calaanji [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Cunno meyrax iwm gowsaha ku jilcin. 2. Wax si aan habboonayn isugu qasid.
calali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cunto, meyrax iwm gowsaha ku jilcin.
calool-jilciye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
calyo [m.dh]
(c.nafl.) Dareere aan midab lahayn, qanjirrada xayawaanka ka yimaada oo cunnada jilciya; candhuufo.
carrabjalqi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Erayo dhawaaqoodu isku dhow yahay oo carrabka carruurta lagu jilciyo dhihid.