kursi
(m.l) (-iyo/kuraas, m.dh)1. Qalab qaabab badan loo yeelo oo lagu fariisto, lana dhigto guryaha, xafiisyada iwm. 2. Goob loogu talaggalay in ay fariistaan mudanayaal la soo doortay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kursi ↴
baridhawr [m.l] (-rro, m.dh)
Barkin xalleefsan oo koore, kursi iwm layska xajiyo..
dakee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Sariir, kursi iwm ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon).
kuraas [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg kursi.
kursijiif [m.l] (-fyo, m.dh)
Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.
santeec [m.l]
Ku tiirsanaanta lagu tiirsanaado derbi, kursi iwm.
santeecsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax derbi, kursi iwm ku tirsan ahaansho.
sitaacso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Faras sitaac ku xirasho. 2. (f.g) Wax qurxin; wax xardhid. 3. (f.mg) Derbi, kursi iwm ku tiirsasho.
wiifow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.