Lafdhabar

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-rro, m.dh)

1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. ld lafduud.

Lafdhabar

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-rro, m.dh)

(c.nafl.) Xiriirka lafaha dhabarka oo ka bilowda salka lafta madaxa kuna dhammaada dabaggibinta. Waxay ka koobantahay 33 lafood waxaana dhex mara xangullaha, waxay isgoys xubneed la wadaagaan lafta madaxa, feeraha iyo miskaha; waxayna u kala baxaan 7 surka, 12 sabalayda, 5 dhabarka hoose, 5 araxda iyo 4 dabaggibinta.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga lafdhabar

saab | baabila | ibitiiliyam | qaaxo | qaaxo | adhaxle | arax | baankariis | balaatihelmantis | bebsiin |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg