lixaad
(m.l.t.j)

Tirada jagaale, keeda u dhigma lixda. ld laxaad.

lixaad
(m.l)

1. Xoog, itaal. 2. Baaxad. 3. Lixda l.: indhaha, lugaha iyo gacmaha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lixaad

f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

yahaabur [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: qof lixaad weyn.

bakaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.

caroofi [m.l]
C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.

dabboojiye [m.l] (-jayaal, m.l/dh)
1. Bisha lixaad ee sannad qorraxeedka. 2. D.-jayaal: laba xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal.

gamran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof lixaad leh ahaansh.

habdhis-tiro-labaale [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iwm; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo, tobnaadyo, boqollaadyo iwm.

jafaal [m.l]
1. Dubka kore ee dhirta qaarkeed, laga jafo. 2. Nin lixaad weyn; tiirri.

juunyo [m.dh]
Bisha lixaad ee sanadka masiixiga.

laballixaadsad [m.l]
ld laballixaadsasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg