naafee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-feeyay, -faysay)

1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naafee

naaf
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)

Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee. naafee, dhaawicid, curyaamin

naafayn
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg naafee. ld naafid. naafid, naafee

qallal
[m.l]

1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. ld qallalid.

welwel-dheeraad
[m.l]

(c.naf.) Welwel ka qabid shaqada jirka iyo caafimaad darro la mala awaaley. Waxay keeni kartaa cudur mas-kaxeed qofka naftiisa naafeeya. Noocyada khatarta ah waxa jira himadjab caafimaad darro, oo sida badan ay sabab u tahay qalbi jabka joogtada ah.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg