naajax
(m.l)

1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.

naajax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -jixi)

1. Midho ama arrin wax bislaaday noqosho. 2. Hanti badan yeelasho. 3. Arrin raalli ka noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naajax

naajaxsan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)

1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho.

naajaxsanaan
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg naajaxsan. ld naajaxsanaansho.

naajaxsanaansho
[Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]

ld naajaxsanaan.

naajixi
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)

Wax naajax ka dhigid.

naajixid
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg naajax².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg