nabas
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun)

1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabas

dhegso
[Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)

Ku dh.: wax meel ku nabasho.

gol
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-lo, m.l)

1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.

namas
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-syo, m.l/dh)

1. Ul gaaban oo rabadh ah oo boliisku isticmaalo. 2. ld nabas.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg