noolee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-leeyay, -laysay)

1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh noolee

isnoolee
[Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)

1. Karti iyo firfircooni isu yeelid. 2. Is nafaqay.

noolayn
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg noolee. ld noolays.

qiyaame
[m.l]

1. Maalinta wixii dhintay oo dhan la soo nooleeyo oo wanaagga iyo xumaha qof walba sameeyey la xisaabo. 2. Dhib; shiddo; hoog.

taran talantaalli ah
[m.l]

1. (baay.) Meerta nooleed noole, taas oo taranku uu dhaco si talantaalli ah fac walba isaga oo marna u dhaca taran jinsi ah, marka kalena taran jinsilaawe ah. Tus. “Soolantaraata”. 2. (baay.) Ka dhicidda ay ka dhacayaan meerta nololeedka noole dhexdiisa laba ama in ka badan oo qaabab gooni ah, kuwaas oo ku kala duwan muuqaalka, sabada iyo habka taranka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg