nugul
(Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective)Xoolaha aan harraadka u adkeysi badnayn sida lo'da, fardaha iyo idaha.
nugul
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-glaa, -glayd)Nafley aan adkeysi lahayn ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nugul ↴
raalliyo
[Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
R. ah: haweenay ninkeeda u dhego nugul ah. ld raalliyad.
baangad
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-do, m.l)
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.
baranugul
[m.l]
ld baraqnugeyl.
baraqnugul
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, glayd)
Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.
beernugul
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, -glayd)
Qof raxmad badan ahaansho.
caycay
[m.l]
Nafley u nugul dhibaatada.
daruurnugul
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.
dhegannugul
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, -glayd)
U dh.: qof, waxa la faro si sahlan u fuliyo ahaansho.
dhegawaddan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof dhegihiisu aad wax u maqlaan ahaansho. 2. Qof wax dhega nugul ahaansho.
dhiifoon
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.