Qaanso

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().

Qaanso

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

(xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga qaanso

laabtuurle | qaansaley | qaansoley | qaansoole | dhig | fallaar | gololo | jeegaan |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg