qabso
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-saday, -satay)

1. (f.g) Wax cid ka qaadasho. 2. (f.g) Naag kufsasho. 3. (f.g) Dad, dal iwm xoog ku hanasho. 4. (f.g) Dhibaato la kulmid. 5. (f.mg) Ku q.: wax cid wadato kula dhegid. 6. (f.mg) U q.: cid deyn iwm ku dacweyn. 7. (f.mg) La q.: hawl, degaan iwm dabeecaddooda barasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabso

yasir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
U y.: cid wax qabsoo-middiisa u sahlid.

dhaqabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Carrabka wax ku cabbid.

gacanqabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Faa'iido badan helid. 2. Nin, gabar uu guursaday oo aan ciddeedu dhisin kaxaysasho.

gondaqabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld gondaqabo.

halqabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Ku h.: qof in uu hadal guro u adeegsasho. 2. Ku h.: wax, wax kale tilmaan ugu qaadasho.

qabsasho [m.f.dh]
eeg qabso. ld qabsad.

qabsoomid [m.f.dh]
eeg qabsoon.

qabsoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
Hawl iwm wax la fuliyey noqosho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg