Qurub
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-byo, m.dh)Gabal yar.
Qurub
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-byo, m.dh)(nax.) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: “ma” oo ah q. diidmo; “baa”/”ayaa”, “aa” oo ah q. diiradeed magac; “waa” oo ah q. diiradeed fal; “ma”, “miyaa” oo ah q. weyddiimeed.
Qurub
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-rbay, -rubtay; -rbi)Wax cadcad yaryar ka dhigid.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga qurub ↴
ba | u | ha | ka | ma | na | yaa | wada | bal | dabayl-bataax |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg