salal
(m.l)

Naxdin iyo argagax hurdada lagala soo boodo. ld selel¹.

salal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)

Naxdin iyo argagax hurdo kala soo boodid. ld selel².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh salal

birisam [m.l] (-myo, m.dh)
1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.

jiid-kubbadeed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(xis.) Qaybta dul ee kubbad oo ku soohdimaysan laba sallax oo barbarro ah. Joogga jiid waa fogaanta u dhexaysa sallaxyo. Sallaxyada barbarrada ah waxa ay kubbadda ka gooyaan laba goobo oo ah salalka jiidka. Jiidka hal sal waxa uu sammeysmaa marka mid ka mid ah sallaxyada barbarrada ah uu yahay taabtaha kubbadda.

salali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof hurda selel ku ridid. ld seleli.

salalid [m.f.dh]
eeg salal². ld selelid.

salalin [m.f.dh]
eeg salali. ld selelin.

salalsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld selelsan.

salalsanaan [m.dh]
ld selelsanaan.

salalsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld selelsanaan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg