sarfe
(m.l)(nax.) Daraasadda qawaaniinta ku salaysan dhismaha ereyada xagga samay-sankooda iyo xagga isrogroggooda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sarfe ↴
yeele [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.
kays [m.l]
(nax.) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.
nadooc [m.l]
(nax.) Habdhac sarfeed oo hawshiisu tahay in salka (falka ama magaca iwm) la raaciyo kabayaal ama dhammaadyo muujinaya tirada, caynta iyo qofka.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg