tolmo
(m.dh)

Tolidda wax la tolo. ld tolliimo, tolniin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tolmo

daruur [m.l]
1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.

daruur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.

furfuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax bashaashnimo ka muqaato ahaansho (qof). 2. Wax xubnihii uu isugu jirey la kala bixiyey ahaansho. 3. Tolmo wax duntii isu haysey furatay ahaansho.

furfuro [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Wax xubnihii uu ka koobnaa u kala baxsasho. 2. (f.mg) Tolmo duntii isu haysay ka furasho. 3. (f.mg) Wax xubnihii uu isugu jirey u kala bixid.

karkar [m.l]
1. Tolmo lagu sameeyo dhar iwm. oo meelo badan ka dildillaacay. 2. K. ah: qof dirac ah. 3. Karka iyo rogmashada biyaha iyo waxii la mid ah oo kululaada.

rigrigo [m.dh]
1. ld rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay.

tolliimo [m.dh]
1. ld tolmo. 2. ld tolnimo.

tolniin [m.l]
ld tolid; tolmo.

turuq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Murqo waaweyn oo dadku yeesho. 2. Tolmo halhalluuq ah oo foolxun. 3. ld turqid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg