xanuun
(m.l)

1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.

xanuun
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-nay, -ntay)

Kaar iwm dareemid; xanuun yeelasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xanuun

aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan

aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan

aah [Erey Dareen | Exclamation]
Cod yar oo qof xanuun hayo ka soo baxa. ld ah². ah

aa [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xanuunka.

raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.

laabjeex [m.l]
(daaw.) Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar. laabqarrar

caadoxanuun [m.l]
Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.

eedaad [m.l]
1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran. rafaad, silic, saxariir

eedaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid.

gaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg