xaq
(m.l)

1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaq

baaddil [m.l]
Wax aan xaq ahayn.

caadla'aan [m.dh]
1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah. caddaan, xaqiiqo

raadraac [m.l]
Baarid la sameeyo si arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda loo helo. ld raadraacid.

raadraac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda raadin.

tacaddi [m.l]
Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.

xagaggaro [m.dh]
Nooc cawska ka mid ah. ld xaqaggaro.

yaqiin [m.dh]
War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.

aayakatashi [m.l]
(siyaa.) Xaqa uu waddan u leeyahay waddan kale in uu kaga xoroobo waddan shisheeye ee haystay, una doorto dawladda uu rabo. ld aayakatalin.

andacoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku a.: war aan xaqiiqadiisa la hubin ku doodid (cid).

annaaniyad [m.dh] (-do, m.dh)
(c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg