Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hiilley
deelraac Neef ido ah oo madaxa ilaa legga ka madow.
deen D. ah: ceel ama daaqsin aan dad badan joogin.
deensasho eeg deenso.
deenso 1. Ku d.: wax nacfi leh ku keliyeysasho. 2. Ku d.: laba qof ama ka badan, hawl ay qaban lahaayeen sheeko ku illaawid.
deeq (1) Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo.
deeq (2) 1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho.
deeqdaran Qof gacan adag oo aan wax bixin ahaansho.
deeqdarnaan eeg deeqdaran. ld deeqdarnaansho, deeqdarno.
deeqdarnaansho ld deeqdarnaan.
deeqdarno ld deeqdaarnaan.
deeqe (kiim.) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.
deeqid eeg deeq².
deeqlay Nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh. ld deeqle (2).
deeqle 1. Alle magacyadiis mid ka mid ah. 2. ld deeqlay.
deeqsi D. ah: qof naxariis badan oo waxa uu haysto wax ka bixiya.
deeqsii Wax, wax ku fillaysiin.
deeqsiin eeg deeqsii. ld deeqsiis.
deeqsiis ld deeqsiin.
deeqsinnimo Qof deeqsi ah ahaansho.
deeqtoomid eeg deeqtoon¹.
deeqtoon (1) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn noqosho.
deeqtoon (2) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn ahaansho.
deeqtoonaan eeg deeqtoon². ld deeqtoonaansho.
deeqtoonaansho eeg deeqtonoow. ld deeqtoonaan.
deeqtoonow Ka d.: qof awooddiisa ku tashanaya noqosho.
deer Deerada keeda lab.
deero Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
deewali Boqorrada dumarku dhexda ku xirtaan, jaad ka mid ah.
deex Dhul geed-gaab iyo caws ka baxaan oo badda xiga.
deexad ld deexasho.
<< < 340 341 342 343 344 345 346 347 348 349 350 > >>

 

Exit mobile version