Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: karkoor
dalcad Taag; tiiro.
daldaalyayn eeg daldaalyee.
daldaalyee Cid, daldaalyo badid (qof).
daldaalyo Isbeddel xun oo cid ku dhaca.
daldal (1) ld daldalid.
daldal (2) 1. Alaab iwm meel ka gurid iyadoo hadba in la qaadayo. 2. Wax si xad-dhaaf ah u cunid ama cabbid.
daldal (3) Xarig siriq leh oo meel sare ka soo laalaada qof ku merjin. ld deldel².
daldalaad ld daldalid.
daldalan Wax la deldelay ahaansho. ld deldelan.
daldalan (1) Hadal badan oo aan nuxur lahayn.
daldalan (2) D./iskad.: hadal badan oo aan macno lahayn ku hadlid.
daldalasho eeg daldalo.
daldalid eeg daldal². ld daldal¹.
daldalid (1) eeg daldal². ld daldal¹, daldalaad, deldel¹, deldelaad,deldelid
daldalmid eeg daldalan².
daldalnaan eeg daldalan. ld daldalnaansho, deldelnaan, deldelnaan- sho.
daldalnaansho ld daldalnaan.
daldalo Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho.
daldalool (1) 1. Daloollo badan oo uu weel iwm yeesho. 2. Iimo; ceebaal. ld dulduleel¹.
daldalool (2) Wax daloollo badan yeelasho. ld dulduleel².
daldalooli Wax daloollo badan yeelid. ld dulduleeli.
daldaloolid eeg daldalool². ld dulduleelid.
daldaloolin eeg daldalooli. ld daldaloolis, dulduleelin, dulduleelis.
daldaloolis ld daldaloolin.
dalee 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.
daleel 1. Meel bannaan oo aan dugsi lahayn. 2. D. ah: meel cidla'ah.
dalid eeg dal².
daliig (1) 1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid.
daliig (2) 1. Cad dhuuban, dheer oo ka samaysan maro, caw, maqaar iwm. 2. Xarriiq dheer, dhuuban oo wax ku dul taal.
daliig (3) 1. Caw, maqaar iwm qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn.
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>

 

Exit mobile version