dallaalnimo1 Dallaal ahaansho. dallaalnimo2 Dallaal ahaansho. ld dillaalnimo, dullaalnimo. dallaalo In yar oo caafimaad ah oo qof jirranaa helo.
dallaashad eeg dallaasho.
dallaasho Ku d.: meel barwaaqo ah ama biyo badan ku keliyaysasho.
dallaayad 1. ld dallad. Qalab ka samaysan saab bira ah iyo maro ku tolan oo qorraxda iyo roobka laga galo. 2. Baarashuud.
dallac1 1. Khudrad, hilib, dufan iwm oo la isku shiiqay. 2. ld dallicid. dallac2 1. (f.g) Khudrad, hilib, dufan iwm isku shiilid. 2. (f.mg) Dallacaad helid (qof). dallacaad Derejo qof la siiyo oo ka sarreysa tiisii hore.
dallacbilaash Suugo aan hilib lahayn.
dallacsii Qof, derajo u kordhin.
dallacsiin eeg dallacsii. ld dallacsiis.
dallacsiis ld dallacsiin.
dallad ld dallaayad (1).
dallal1 Jeesjees. dallal2 Cid ku jeesjeesid. dallalid eeg dallal².
dallayn eeg dallee.
dallaysasho eeg dallayso.
dallayso Qof, wax uusan lahayn xalaalaysasho.
dallee 1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin.
dalleen Dandarranaan; dhibaataysnaan.
dalleensan Qof, wax dalleen hayo ahaansho.
dalleensanaan eeg dalleensan. ld dalleensanaansho.
dalleensanaansho ld dalleensanaan.
dallici Kor u qaadid; darajo u kordhin.
dallicid eeg dallac². ld dallac¹ (2).
dallicin eeg dallici.
dalluug (dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.
dalluun God hoos u dheer oo dhuuban.
page : 38 of 218
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>