Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhuundhaw
tiirsan 1. Wax la tiiriyey ahaansho. 2. Ku t.: cid, cid kale kaalmo ka hesha ahaansho.
tiirsanaan eeg tiirsan. ld tiirsa-naansho.
tiirsanaansho ld tiirsanaan.
tiirsasho eeg tiirso. ld tiirsimaad.
tiirsimaad ld tiirsasho.
tiirso 1. (f.g) Wax meel cuskasho. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku santeecsasho. 3. (f.mg) Ku t.: kaalmo darteed cid ugu xirraansho.
tiirtaagan (tiirotaagan, m.l) (jool.) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.
tiis ld tiisa².
tiisa (1) (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Nin tiisa haysata tu kale uma daryeelo”.
tiisa (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Cali beryahan bartiisa lama arkin”. ld ti, tii³, tiis.
tiix (1) Roob yar oo dhibco yaryar.
tiix (2) Roob dhibic-dhibic yaryar u di'id.
tiixid eeg tiix².
tijaabi ld jitaabi.
tijaabin ld jitaabin.
tijaabo ld jitaabo.
tijaabogal Waxay ku qotantaa ama ku abbaaran tahay fiirsasho iyo tijaabo aan ahayn aragti.
tijaarad ld tijaaro.
tijaaro Ganacsi. ld tijaarad.
tikid ld tigid.
tiknooloojiyada Shaqo, ama barasho farsamo, ama aqoon cilmiyeed ee hawl gacmeed u gaar ah warshadaha, beeraha, daawada, iyo ganacsiga.
tillaab ld tallaab.
tillaabi ld tallaabi.
tillaabid ld tallaabid.
tillaabin ld tallaabin.
tillaabis ld tallaabin.
tillaabo ld tallaabo.
tillaabsad ld tallaabsasho.
tillaabsasho ld tallaabsasho.
tillaabsi ld tallaabsasho.
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>

 

Exit mobile version