Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
caqliyayso  1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. ld caqliso.
caqo  ld aqo.
car1  1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir. car2  Car noqosho. ld cartan². caraacar  1. Geed nagaar leh qodaxyo kuwa tiinka u eg oo ka baxa meelaha qabatinka leh. 2. Qodaxda geed-qodxeed yar. ld caraacir, caraancar.
caraacir  ld caraacar.
caraadi  Qof dagaal ku guubaabin.
caraadin  eeg caraadi.
caraancar  ld caraacar.
caraatamid  eeg caraatan². ld caraatan¹.
caraatan1  Kaftan suugaaneed cay ah oon laga caroon oo wiilasha iyo gabdhaha isdhaafsata; yooyootan. ld caraatamid. caraatan2  Kaftan suugaantiisu sarreyso laba dhallinyaro (wiil iyo gabar) ama ka badan isdhaafsasho. carab  (carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.
carabayn  eeg carabee. ld carabiyeyn..
carabbaabba'1  Degganaan ka muuqata qof caro haysay ka tirantay.. carabbaabba'2  Qof caro haysay ka tirmid.. carabbaabbi'id  eeg carabbaabba'².
carabcad  Neef ido ah oo wada cad; shiikh.
carabee  1. Cid dhaqankeeda iyo luqaddeeda mid carbeed ka dhigid. 2. Cid carab iska yeelid. ld carabiyee.
carabi1  Af ay dadka carbeed ku hadlaan. carabi2  Nooc kalluunka ka mid ah. carabiyee  1. (f.mg) Af carbeedka ku hadlid. 2. (f.mg) Carab is macnayn. 3. (f.g) ld carabee. ld carabee.
carabiyeyn  eeg carabiyee. ld carabayn.
carablaay  Haweenay aan karin ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo.
caraboobid  eeg carabow.
carabow  Carab noqosho.
caraceli  Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raalli gelinayo.
caracelin  eeg caraceli.
carad  1. Qof aad u gaboobay. 2. ld carasho.
caradhaban  Xanuun hanfaf leh oo oogada laga dareemo.
page : 39 of 95
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>

 

Exit mobile version